Rooble iyo Qoorqoor oo kulmay xilli uu liitay xiriirkooda

Image
Wadahadalka labada masuul ayaa yimid xilli soconeyso xulista xubnaha Aqalka Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa Muqdisho kulan kula yeeshay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Xafiiska Rooble ayaa sheegay in madaxda ay diiradda saareen dardargelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka, gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab".

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan shirkan oo kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug. Hase ahaatee, xiriiro lala sameeyay waxay sheegeen in ay bayaan kasoo saarayaan.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli xiriirka labada masuul uu liitay bilooyinkii lasoo dhaafay sabab ku aadan cilaaqaadka dhow ee Qoorqoor kala dhaxeeya Farmaajo oo Rooble ay isku qabteen qaabka loo maareynayo geedi-socodka doorashooyinka Soomaaliya.

Is-aragan waxaa goobjoog ahaa Al-Cadaala, wasiir ku xigeenka warfaafinta oo raadinaya kursi Xildhibaan oo degaan doorashadiisu tahay Galmudug uuna haatan ku fadhiyo Cabdiraxmaan Odowaa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka.

Qoorqoor oo todobaadkii hore yimid Muqdisho lana kulmay siyaasiyiin kala duwan kuna jiro madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa wajahaya cadaadis xooggan.

Cadaadiskaas ayaa salka ku haya qaabka uu u maareynayo kuraasta Golaha Shacabka oo ay su'aal geliyeen xubno kamid ah mucaaradka kuwaasoo ku eedeeyay gacan-bidaxayn iyo is-dabamarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM