Rooble iyo Qoorqoor oo kulmay xilli uu liitay xiriirkooda

Image
Wadahadalka labada masuul ayaa yimid xilli soconeyso xulista xubnaha Aqalka Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa Muqdisho kulan kula yeeshay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Xafiiska Rooble ayaa sheegay in madaxda ay diiradda saareen dardargelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka, gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab".

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan shirkan oo kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug. Hase ahaatee, xiriiro lala sameeyay waxay sheegeen in ay bayaan kasoo saarayaan.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli xiriirka labada masuul uu liitay bilooyinkii lasoo dhaafay sabab ku aadan cilaaqaadka dhow ee Qoorqoor kala dhaxeeya Farmaajo oo Rooble ay isku qabteen qaabka loo maareynayo geedi-socodka doorashooyinka Soomaaliya.

Is-aragan waxaa goobjoog ahaa Al-Cadaala, wasiir ku xigeenka warfaafinta oo raadinaya kursi Xildhibaan oo degaan doorashadiisu tahay Galmudug uuna haatan ku fadhiyo Cabdiraxmaan Odowaa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka.

Qoorqoor oo todobaadkii hore yimid Muqdisho lana kulmay siyaasiyiin kala duwan kuna jiro madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa wajahaya cadaadis xooggan.

Cadaadiskaas ayaa salka ku haya qaabka uu u maareynayo kuraasta Golaha Shacabka oo ay su'aal geliyeen xubno kamid ah mucaaradka kuwaasoo ku eedeeyay gacan-bidaxayn iyo is-dabamarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM