Rooble: Kiiska Ikraan Tahliil wuxuu noqdey dood Qaran

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa meesha ka saarey in la siyaasadeynayo qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa u dalacay dood qaran, sida uu Axada maanta ah shaaca ka dhigay xafiiska ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta oo meesha ka saarey uu siyaasad ku lug leeyahay.

Wasiirka koowaad Maxamed Xuseen Rooble ayaa, sida uu xafiiskiisu sheegay, wuxuu kulanka uu maanta la yeeshay wafdi ka socday Qaramada Midoobay ka socday ka sheegay in uu ahmiyad siinayo qadiyadan.

Sida uu sheegay afhayeenkiisa Maxamed Ibraahim Macalimuu, madaxwayneyaasha maamulada oo shirka qeyb ka ahaa ayaa Rooble u muujiyey in ay ku garab taagan yihiin qaabka uu ilaa hadda u maareynayo kiiskan.

Wafdiga Qaramada Midoobay waxaa hogaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Marwo Amina Jane Momamed. Sidoo kale, waxaa goobjoog ahaa ergayga UN-ka ee Muqdisho, James Swan.

Beesha Caalamka oo horey walaac uga muujisay xiisada ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil ayaa codsatay in aysan sii fogaan isla markaana loo maareeyo laguna soo gabagabeeyo qaab ku saleysan daahfurnaan.

Xiisada ka dhalatay kiiskan ayaa gaartey in ay ku kala qeybsamaan hogaanka dalka iyadda oo madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo lagu eedeeyay in uu gabaad-siinayo eedeysaneyaasha gal-dacwadeedkan.

Ikraan oo ahayd xubin sare oo ka tirsan hay'adda sirdoonka qaranka ayaa la waayey wax ka badan laba bilood kahor. Hay'addu waxay sheegtay in ay Al-Shabaab dishay hase ahaatee qoyskeedu kuma qancin sheegashadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM