Rooble oo Beesha Caalamka u sharaxay shirka uu iclaamiyey

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa qaab fogaan arag ah wuxuu kula shiray diblumaasiyinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan Aragga maanta la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka.

Shirkan ayaa waxaa ka wada hadley xaaladda dalka, dardar-galinta doorashooyinka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa u xaqiijiyay Wakiilada Beesha Caalamka in shirka furmaya ay diiradda ku saari doonaan ilaalinta hufnaanta doorashada iyo sixitaanka, ku dhaqanka habraacyada doorashada iyo soo saaridda jadwal ay ku caddahay waqtiga ay soo gabagaboobeyso doorashada .

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.

Wakiilladu waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wadatashiga ah ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta  hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada.

Is-araggan ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf cusub uu ka dhex-qarxay Rooble iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo kaasoo ku sifeeyay "mid gabay waajibaadkiisa".

Is-qabqabsigan ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu dalka geliyo jahwareer cusub iyo hubanti la'aan kale oo baahsan taasoo khatar ku ah xasiloonida siyaasadeed, amniga iyo doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM