Rooble oo cambaareeyay fal ay Al-Shabaab ku dhaqaaqdey

Image
Ciidamadda xoogga dalka ayuu ku ammaanay gurmadka ay rayidka u fidiyeen kadib dhacdadaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyey "falkii burcadnimada ahaa ee kooxaha argagixisadu ay ku gubeen duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed".

Rooble ayaa falkaas ku tilmaamay qeyb kamid ah arxan darada kooxaha banaystay dhiigga iyo hantida shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo sanado badan go’doomin ku hayay deegaanno dhaca gobolka Bakool.

“Tani waxay tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale”.

Wasiirka koowaad ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gurmadkii ay u fidiyeen dhibanayaashii cadowgu wax yeellada u geysteen, isagoo ku baaqay in loo midoobo ciribtirka kooxaha argagaixisada ah ee waxba hanbaynayn.

Dhanka kale, Rooble oo sheegay in uu murugada la wadaagayo qoysaska ku tabaalayneysa abaarta ku dhufatay dagaanada Jubaland ayaa tibaaxay in xukuumadiisu qaadeyso talaabo kasta oo loo baahdo. 

"Waxa aan xanuunka la qeybsanayaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku tabaaleysan Jubaland. Xukuumaddu waxay la gaari doontaa gurmad deg deg ah. Shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalkana waxaan ugu baaqayaa in ay kaalin ka qaataan sidii loo gargaari lahaa walaalheenna abaarta la il daran," ayuu yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM