Rooble oo cambaareeyay "isku day curyaaminayo doorashadda"

Image
Hadalkan ayuu wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta sheegay markii hoobiyeyaal lagu garaacay Villa Hargeysa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay hoobiyeyaasha Isniinta maanta ah lagu garaacay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Haragysa.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu cambaaraynayaa falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah," ayuu yiri xafiiska Rooble.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo curyaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato".

War-saxaafadeedka ayaa intaas wuxuu kusii daray: "Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu bogaadinayaa dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada".

"Ra’iisul Wasaaruha oo bogaadinaya shaqada naf hurnimada ah ee Ciidamada Qaranka ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammadu in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Ugu yaraan hal qof oo kamid ah shaqaalaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay kadib markii hoobiyeyaal ay ku dhaceen qaybo kamid ah dhismaha hay'adda sharci-dejinta.

Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli Aqalka Hoose uu meelmariyey xeerka doorashadda hogaanka cusub ee golaha. Xeerkan waxaa qeyb ka ah shuruudaha musharaxiinta guddoonka iyo madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM