Rooble oo ciidanka siiyey amar la xiriira falal kusoo badanaya Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee caasimadda Muqdisho.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo hoggaanada taliska, isagoo ku boorriyay inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka Muqdisho iyo deegaannada kale ee wadanka.

Mr Rooble ayaa wuxuu kula dardaarmay saraakiisha booliiska Soomaaliyeed in kor loo qaado sugidda amniga dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay ku helaan ammaan buuxa.

"Waa in qofku amni ku helo gurigiisa, isagoo kalsooni u qaba ciidanka Booliska. Si aad taasi u suuro-gelisaan dowladdu waxay idin la garab taagan tahay wixii taageero ah ee aad u baahan tihiin," ayuu yiri.

Saraakiisha ciidanka ayuu faray in xal loo helo dambiyada kusoo badanaya Muqdisho ee ay ka mid yihiin: dhaca, dilka iyo kufsiga haweenka ee kooxaha burcada ah ay u geysanayaan bulshada kuwooda nugul.

"Ra”iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraal kasoo baxay xukuumada.

Muqdisho ayaa isku diyaarineysa in ay martigeliso olole doorasho oo xasaanad weyn huwan iyo mid kamid ah doorashooyinkii ugu adkaa iyaddoo ay haatan murashaxiinta wadaan dedaalo ay kursiga ku hantan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM