Rooble oo dalka ku soo laabtay xilli ay jirto xaalad kacsan

Image
Wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta ayaa shirar gaar gaar ah durba ka bilaabay aagga Afisyooni.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay, ayaa goordhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa ka soo laabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland,halkaas oo uu uga soo qeyb galay shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saaray xaaladda abaarta ee ka jirta Somalia.

Wasiirka koowaad ayaa shirar gaar gaar ah durba ka bilaabay aagga Afisyooni, kulamada wuxuu la leeyahay saraakiisha ATMIS iyo wakiilada beesha caalamka, wuxuuna kala hadlayaa qabashada doorashada gudoonka golaha shacabka oo buuq daran uu ka taagan yahay.

Xubno kamid ah howlwadeenada baarlamaanka iyo bahda warbaahinta oo saaka tagay teendhada Afisyooni ayaa loo diiday iney galaan xerada, iyadoo ciidanka ATMIS u sheegeen ineysan maanta jirin wax doorasha ah oo ay xaafadohooda dib ugu laabtaan.

Dhanka kale Wakiiladda Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane ayaa laga yaabaa in maanta ay daabacaan liiska shaqsiyaad ay kusoo rogayaan cunaqabateyn "haddii ay qabsoomi waydo doorashadda guddoonka golaha shacabka," sidda ay ku waramayaan warbixino laga helay illo wareedyo madax-banaan.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa dhowr jeer oo horey waxay u caddeeyeen in ay "cawaaqib wajihi doonan" shaqsiyaadka isku-dayaya in ay xagal-daaciyaan geedi-socodka dimuqraadiyada Soomaaliya "oo uu hormuud u yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Farmaajo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM