Rooble oo dib-u-celiyey safiiro la horgeeyay xukuumadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Muran iyo diidmo adag ayay la kulmeen 12 safiir oo Khamiista maanta ah loo gudbiyey Golaha Wasiirada Soomaaliya, sidda ay wararku sheegayaan.

Sidda laga soo xigtay warbixino ku dhow xafiiska ra'iisul wasaaraha, diidmadda waxaa horkacayey xubnaha laanta fulinta ku metela maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Xubnaha reer Koonfur Galbeed ayaa ku doodey in hal beel loo badiyey safiiradda, waxaana ay sheegeen in ay talaabadaas ka hor-imaaneyso heshiiska awood qeybsiga 4.5.

Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu waramay in diidmadaas kadib uu go'aan ku gaarey in uu dib-u-dhigo magacaabida safiiradan oo maanta lagu dhawaaqi lahaa.

Danjireyaasha waxaa soo gudbiyey Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, kaasoo la sheegay in uu fulinayey amar kaga yimid Villa Soomaaliya.

Farmaajo ayaa, sidda ay fahfaahinadu caddeynayaan, wuxuu beesha uu xilalka safiirnimo ku taxay isaga dejinayaa eedo ku aadan in uu ka qadiyey xilal kana qaadey kuwii ay hayeen.

Inta badan madaxda ayaa marka uu dhamaadka ka yahay muddo xileedkooda waxay qaadaan talaabooyin ay ku qancinayaan kooxo, shaqsiyaad iyo dowlado si ololaha ugu galaan.

Hoos ka akhriso magacyadda safiiradda

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM

Weeraro ka dhici lahaa Muqdisho oo laga hortagay

NISA waxay sheegtay in dadka la xiray loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo sharciga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:19AM