Rooble oo digniin u diray taliyeyaasha booliska iyo sirdoonka

Image
Tani ayaa ka dambeysay markii ciidamadda mukhaabaraadka ay isku-dayeen in ay baajiyaan dhaarinta Xildhibaanada Gedo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag wuxuu u cambaareeyay weerarka hay'adda sirdoonka ku qaaday xaflada dhaarinta Xildhibaanada gobolka Gedo.

Rooble oo war-saxaaafadeed soo saarey ayaa cod dheer wuxuu ugu digay taliyeyaasha ciidammada Booliska iyo Nabad Sugidda "in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada".

Qoraalka ayaa intaas waxaa lagu daray "in ra'iisul wasaaraha uu xusuusinayo xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka".

"Waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka kasoo baxay xafiiska Rooble.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu uga digayaa taliyeyaasha ciidammada Booliska iyo Nabad Sugidda  in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa, shacabka Soomaaliyeedna waxa uu ka codsanayaa in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay  sida geesinimada leh ee guddoonka  KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada,kuna dhiirrigeliyay in ay waajibaadkooda gutaan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag.


Ciidamo isku-soo-ekeysiiyey ilaalada guddoomiyaha ku meelgaarka Golaha Shacabka ayaa maanta isku dayay in ay baajiyaan dhaarinta Xildhibaanada Golaha Shacabka balse waxaa is-hortaagay ciidamadda dowlada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM