Rooble oo eryay Saraakiil doorasho oo ku milmay siyaasadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rooble ayaa qaadey tallaabo uu Axmed Maclin Fiqi ku tilmaamay qandho-jebin, taasoo uu ku eryay xubno katirsan Gudiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Maanta ayaa lagu xaqiijiya in laga saarey Gudiga todobo xubin, oo lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo, iyagoo ku milmay siyaasadda isla-markaana ay baal mareen xeer anshaxa doorashada.

Tani waxay ka dambeysay kulankii xalay ay yeesheen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo qaar kamid ah Musharixiinta mucaaradka, kaasoo u dhacay qaabka fogaan-araga ee Zoom.

Lama oga inay Midowga Musharixiinta ku qancin doonaan tallaabo uu qaadey Rooble, maadaama horey u dalbadeen in gebi ahaan la kala diro Gudiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka.

Xasan Sheekh ayaa ku micneeyay shirkii xalay tallaabo loo qaadey dhanka wanaagsan, islamarkaana ay rajeynayaan in shir fool-ka-fool ah ka yeeshaan sidii lagu sixi lahaa hanaanka doorashadda dalka, oo hareeyay musuq-maasuq.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in mowqifkooda aan waxba iska bedelin, illaa jidka toosan loogu soo celiyo doorashadda, oo Rooble ka fulinayo dalabkooda ah inay noqoto codbixinta mid hufan, oo tartanka loo siman yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM