Rooble oo ajanda sare ka dhigtay "inqlaabkii dhicisoobay"

Image
Magacaabida guddiga ayaa kusoo beegmaysa xilli lagu waddo in uu qabsoomo shirka golaha wadatashiga qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi la sheegay in uu la baarayo "afgembigii fashilmay 27-dii December, sanadkii horay 2021-ka".

Sida ku xusan wareegto kasoo baxdey xafiiska wasiirka koowaad, guddigan oo ka kooban shan xubnood waxay soo saari doonan warbixin dhameystiran kuna saabsan falkaas.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay wareegtadan uu arkay Garowe Online.

HOOS KA AKHRSO DIGREETADDA

Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda

Wasiiradaan ayaa kala ah.

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.

2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji - Wasiirka Waxbarashada.

4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.

Magacaabida guddiga oo kusoo beegmaysa xilli lagu waddo in uu qabsoomo shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa la saadaalinayaa in ay sii xumeyn karto khilaafka labadda masuul.

Dad badan oo la socda siyaasadda Soomaaliya ayaa soo wariyey in Rooble uu "inqlaabkii dhicisoobay" ka dhiganayo ajanda sarre kaasoo uu ku cadaadinayo Farmaajo si faragelinta looga joojiyo.

Rooble ayaa haatan masuul ka ah daadihinta doorashooyinka. Falanqeeyeyaasha waxay ku boorinayaan in uu diiradda saaro hufnaanta geedi-socodkaas waqti badana ku bixin iska celinta Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM