Rooble oo hawada loo mariyey baaq ka dhan wasiir uu magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha xisbi siyaasadeeeka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa eedeeyay madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasi Warsame ayaa sidoo kale wuxuu bogaadiyey xubnaha cusub ee kusoo baxay Xukuumada 20aad ee Soomwaliya.

Isaga oo cuskanaya xubin ku biirtey golaha, Farmaajo ayuu si gaar ah ugu eedeeyay "dhiiragelinta gacan ku dhiigleyaasha".

"Waxaan bogaadinayaa xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada. Waxaana ILAAHEEY uga baryayaa in uu hawshooda u fududeeyo," ayuu kusoo qoray Facebook.

Wuxuu ku daray: "Waxaase arrin laga naxo ah in C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, hormuudna u ahaa kooxdii 17-kii Diseembar 2017-kii weerarka ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir loo magacaabo Wasiirka Caddaaladda".

"Tani waxay tusaale u tahay sida ay kooxda Madaxweyne Farmaajo uga go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha, ku tumashada caddaaladda iyo damqinta boogaha," ayuu raaciyey.

Qoraalkiisa ayuu kusoo xiray: "Waxaan ugu baaqaynaa Ra'iisul Wasaare Rooble in uu go’aan degdeg ah arrinkaas ka qaato, iska fogeeyo shakhsiyaadka diiwankoodana madowyahay, kuna caan baxay xadgudubka sharciga iyo ku tumashada xuquuqul insaanka".

Weerarka hoyga siyaasiga ayaa kamid ah "tacadiyada ugu culus" ee maamulka Farmaajo ku kacay mudada uu xafiiska joogo, waxaana ku nafwaayey askar Soomaali ah oo ilaalo ka ahaa xarunta Xisbiga Wadajir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM