Rooble oo kulan la qaatey Musharixiinta Mucaaradka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Midowga Musharraxiinta.

Waxay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Musharixiinta ayaa horey u qaadacay doorashadda kadib markii musuq-maasuq iyo hufnaan la'aan ay hareysay hanaanka lagu soo xulayo Xildhibaanada oo noqday mid boob ku salaysan, sida ay sheegeen.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale walaacaas muujisay, oo ku baaqdey in la saxo qaldaadka jira, si natiijada imaanaysa u noqoto mid lagu wada wanacsan yahay, oo dalka ka badbaadin karta fowdo iyo qalalaase horleh.

Rooble oo mas'uuliyadda doorashoorinka kala wareegay Farmaajo May 2020, ayaa ku qaban waayay sanad, iyadoo loo gudbay sanadkii labaad, waxaana soo ifbaxay khilaaf kale oo isaga iyo Farmaajo u dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM