Rooble oo la kulmay Shariif iyo Xasan xilli uu dildilaaco jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo kulan is xog wareysi xaaladda dalka iyo doorashooyinka galabta hoygiisa kula yeeshay Madaxweynayaashii hore, Shariif Sheekh Ahmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kala hadlay "sidii ay doorashooyinka ugu qabsoomi lahaayeen jawi xasiloon".

Kulankan ayaa kusoo aadaya iyadda oo uu banaanka yimid khilaaf culus oo u dhaxeeya wasiirka koowaad iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Falcelin badan ayaa ka dhalatay kulanka Rooble la yeeshay madaxwayneyaashii hore oo haatan u taagan in ay qabtaan jagada ugu sareysa waddanka. Balse, waxaa aad u badan darafyadda soo dhaweynaya.

"RW [Ra'iisul wasaare] Rooble waxaan rajeynaayaa in uu gudan doono Masuuliyada kasaaran Doorasho Nabad ah in ay Dalkaan kadhacdo oo la isla ogolyahay. Insha Allah [Hadduu ALLE idmo]," ayuu yiri Senator hore Ilyaas Cali Xasan, oo ah xoghayaha arrimaha dibadda xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran kaasoo uu madax ka yahay Shariif Sheekh Axmed.

Xalay ahayd markii Rooble uu xafiiskiisa kula kulmay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kaasoo bartiisa Facebook-ga ku shaaciyey in ay kawada xaajoodeen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada dalka.

Garowe Online ayaa fahansan in is-aragyaddan ay kasoo shaac-baxeen kulan ay Midowga Musharaxiinta ka yeesheen qadiyadda soo korortay taasoo 24-kii saac ee lasoo dhaafay haysatay warbaahinta gudaha.

Warsidaha GO ayaa sidoo kale wuxuu ogaadey in musharaxiinta laga yaabo in ay soo saaraan war-saxaafadeed kaasoo ay taageero ugu muujinayaan ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta kuna dalbanayaan in khilaafkan cusub uusan saameyn buuran ku yeelan doorashooyinka dalka ka bilowday oo hadda laga cabsi qabo in jadwalkooda uu mar labaad dib-u-dhaco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM