Rooble oo "ka leexiyay" doorashadda dariiqa hufan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta Mucaaradka Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay Rooble inuu ka weecdey jidkii toosanaa ee doorasho hufan oo dalka ka dhacdo.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtey Muqdisho, ayuu Daahir Geelle oo ah afhayeenka Musharixiinta ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha isbedel uu ku yimid balan-qaadkiisii hore inuu qabanayo doorasho daahfuran.

Shirka oo ay ku sugnaayeen Sheekh Shariif, C/raxmaan Cabdishakuur iyo Musharixiin kale oo miisan culus, ayaa intii uu socday looga hadlay qodobo ku qotomo doorashada, gaar ahaan boobka kuraasta Aqalka Hoose.

Daahir Geelle wuxuu si kukul u eedeeyay Rooble, maadaama uu mas'uul ka yahay doorashadda dalka, lagana filayay inuu wax umada ku qanaci karta oo qabto.

Musharixiinta waxay hoosta ka xariiqeen inay sameyn doonaan dadaal kasta oo looga hortagayo boobka ku socda kuraasta Baarlamaanka, taasoo keenaysa inuu dalka qalalaase galo.

Rooble ayaa waxaa horey u eedeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in Ra'iisul Wasaaraha isbedelay kadib booqashadii Qatar uu ku tagey bishii October ee sanadkan xili Farmaajo khilaaf kala dhaxeeyay.

Wuxuu Rooble wajahayaa eedeymo culus oo uga imaanaya Musharixiinta mucaaradka, oo aan ku qanacsanayn hanaanka ay ku socoto doorashadda dalka, oo sidii la rabay u dhacaynin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM