Rooble oo loo jeediyey eedeyn la xiriirta guddiga doorashada federaalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Aqalka Sare baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta war qoraal ah soo saarey, ayaa eedeeyay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xaashi ayaa sheegay in wasiirka koowaad uusan qaadan xubnaha Somaliland ku metalaya Guddiga Doorashooyinka iyo Khilaaf Xalinta ee heer federaalka "kuwaasoo aanu gacanta u gelinay 2-dii November".

Gudoomiyaha Senate-ka oo qoraalkiisa ku socotay madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo kuna ogeysiiyay ra'iisul wasaaraha iyo madaxda maamulada ayaa xusay in aysan metelin xubnaha ay xukuumadda shaacisay.

Sidda ku xusan warqadda, xubnaha uu gudbiyey Xaashi ayaa ahaa saddex loo qorsheeyay Guddiga Doorashada, iyo hal xubin kale oo loo wadday Xalinta Khilaafaadka. Balse lama soo bandhigin magacyadooda.

Lama ogga sababta dhabta ah ee ra'iisul wasaare Rooble uu kaga tegay xubnahaas iyo ujeedada uu kalkii hore uga guddoomay liiskaas. Xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaan wali ka jawaabin dhaleeceynta uga timid Xaashi.

Is-qabqabsiga cidda soo xuleysa wakiilada gobolada waqooyi ee guddiga doorashada heer federaal ayaa taagnaa todobaadyadii ugu dambeeyay, waxaana isku haya garab uu horkacayo Xaashi iyo Villa Soomaaliya.

Senator Cabdi Xaashi oo u waramay warbaahinta maxaliga ah ayaa ku eedeeyay madaxda dowlada federaalka in ay doonayaan in ay soo xushaan "xubno aan waaya arag ahayn balse kaliya laga doonayo codadkooda".

Xukuumadda dhexe ayaan wali ka jawaabin eedeyntaas. Balse Xildhibaanada gobolada waqooyi ee taageersan maamulka Farmaajo waxay naqdiyeen Xaashi iyagoo ku dhaliilay "mid dayacay waajibaadkii loo idmaday".

Xisbiyadda mucaaradka, oo ayiday dalab uu miiska saarey gudoomiye Xaashi kaasoo ah in daneeyeyaasha Somaliland loo madax-banaaneeyo xulista xubnaha guddiga, ayaa ka digay in qadiyadan laga qaato go'aan hal dhinac ah.

Madaxda dowlada federaalka ayaa aalaaba isku daya in ay galaangal ku yeeshaan doorashada xubnaha gobolada waqooyi metala oo xiliyadii u dambeeyay ka dhaceysay Muqdisho maadaama Somaliland sheegato gooni u goosad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM