Rooble oo magacaabaya guddi baara "inqilaabkii fashilmay"

Image
Image
Image
Golaha Wasiiradda ayaa cambaareeyay isku daygii afgambigii fashilmay ee 27-ka December.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirrada Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen arrimo muhiim oo khuseeya xaaladda dalka, siyaasadda, amniga iyo doorashooyinka dalka.

Golaha ayaa cambaareeyay isku daygii afgambigii fashilmay ee 27ka December lagu soo qaaday Xarunta Gollaha Wasiirada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo muujiyay sida ay uga xun yihiin falkaas.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidii ku lugta lahayd duullaankii lagu qaaday hey’adaha dastuuriga ee dalka, isaga oo Ra’iisul Wasaaruhu uu soo magacaabi dooni guddi ka kooban 5 xubnood oo baaris dhameystiran ku sameeya sidii ay wax u dhaceen.

Gollaha Wasiirada waxa kale uu ansixiyay Xisaab Xirka miisaaniyadda dowladda ee 2020kii. Waxa kale la ayiday qorshaha sugidda amniga caasimadda oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Amniga Gudaha kaas oo faraya in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida.

Waxa shirka Gollaha Wasiirada looga mahad celiyay taageerada Xukuumadda ee Beesha Caalamka iyo hogaaminta  Ra’iisul Wasaaruha ee doorashooyinkia iyo Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka ee uu Ra'iisul Wasaaruhu ku dhawaaqay.

Shirka oo uu guddoomiyey wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa kale oo laga hadlay arimaha abaaraha iyo cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM