Rooble oo naqdiyey warbixintii NISA ee kiiska Ikraan Tahliil

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble oo kasoo muuqdey muuqaal uu faafiyey telefishinka dowladda ayaa si adag wuxuu uga soo horjeestay warbixintii hay'yada sirdoonka ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
 
Rooble oo sheegay in ay soo gaartey cabasho kaga timid qoyska Ikraan ayaa warbixinta wuxuu ku sifeeyay "mid aan lagu qanci karin ama aan ka jawaabeyn su'aalaha ku saabsan qadiyadan".
 
Fahad Yaasiin Daahir, agaasimaha NISA, ayuu faray in uu 48-saac gudahooda kusoo gudbiyo "warbixin dhameystiran". "Kadib waxaan qaadan doonaa go'aanka ku haboon," ayuu ku daray wasiirka koowaad ee Soomaaliya.

"Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo qoyska Ikraan ugu baaqayaa in ay muujiyaan deganaan, mas'uuliyad lagana fogaado in lagu xadgudbo dadka aan waxba galabsan," ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyey.

NISA ayaa Khamiistii waxay shaaca ka dhigtey in Ikraan oo la waayey laba bilood kahor ay u gacan-gashay ayna dileen maleyshiyada Al-Shabaab. Hase ahaatee, kooxda hubeysan waxay iska fogeysay eedeyntaas.

Qoyska Ikraan oo ahayd madaxii amniga internet-ka NISA ayaa ku adkeystay in gabadhooda ay ku maqan-tahay NISA. Hooyadeed Ikraan waxay sheegtay in Aakhiro iyo Aduunyo ay haystaan Fahad Yaasiin.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in Fahad uu dalka ka baxay maalmo kahor shaacinta dilka Ikraan. Hase ahaatee, ma cadda halka uu aadey maadaama socdaalkiisa uusan ahayn mid khuseeya arrima shaqo.

Dhawaqa Rooble ayaa yimid xilli saacadihii lasoo dhaafay ay baraha bulshadda hareeyeen sheegashooyin ku saabsan in uu go'aansadey in uu eryo Fahad oo ah gacanta midig ee madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM