Rooble oo warbixin siiyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Rooble oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in howlaha doorashooyinku marayaan meel wanaagsan, guddiyadii loo xulayna ay howlo wanaagsan hayaan.

Qoondada haweenka ee 30% ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in la xaqiijin doono doorashada dhacaysa, waxa uuna yiri” Way naga go’an tahay in aan ilaalinno qoondada haweenka ee 30%, xeer hoosaadkii baarlamaanku dhawaan ansixiyay ayaa si cad u qeexaya in ujeeddada loo socdaa tahay in matalaadda haweenku gaarto 50%”.

Dhanka amniga ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay ciidammada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo wax ku ool ah ka soo hoynayaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

Ra’iisul Wasaarre Rooble ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay horumarrada ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca dhaqaalaha iyo dakhli ururinta, taas oo uu sheegay horumar wanaagsani ka jiro.

Mar uu ka hadlayay dhinaca xorriyatul qowlka iyo saxaafadda waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladdu garawsan tahay kaalinta muhiimka ah ee saxaafaddu ku leedahay geeddi socodka qaran dhiska, isagoo intaa ku daray in la ansixiyay xeerka saxaafadda oo warfidiyeenka u dammaanad qaadaya in ay xorriyad ku shaqeeyaan.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu intaa ku daray in dowladdu dib u habeyn ku sameysay habka xiriirka warbaahinta ee xafiisyada muhiimka ah, si ay saxafiyiintu u helaan xogo ku saabsan qorsheyaasha iyo howlaha dowladdu hayso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Golaha Ammaanka uga warbixiyay xaaladda xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladdu kula tacaaleyso.

Xukuumadda Soomaaliya

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM