Rooble oo weeraray lataliyeyaasha wasaaradaha DF

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya aya Axada maanta ah wuxuu canaan kala dul-dhacay shaqaalaha rayidka ee dowladda muddo xileedkeeda kasii dhamaanayo.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa si furan wuxuu u sheegay in badankooda ay xafiisyadda xaadirin isla markaana ay qaarkood tagaan "ayaga oo xaragoonaya". Balse, ma carabaabin talaabada ay dowlada ka qaadeyso.

Rooble ayaa ka hadlay shir la sheegay in dib-u-eegis iyo qiimeyn loogu sameynayo qaab-dhismeedka darajooyinka iyo mushaharka ee shaqaalaha rayidka kaasoo lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidda laga soo xigtay Rooble, wasaarad kasta waxaa u liis-gareysan lataliyeyaal ka mushahar badan shaqaalaha rayidka ee caadiga ah.

"Waa in la tixgeliyaa shaqaalaheena khibradda leh," ayuu yiri, isaga oo ku daray "Latliyeyaasha ay wasaaradaheena u qoreen hay’addaha caalamiga ah ee xilliga ay doonan imaanaya waa in lala xisaabtamaan".

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa ka dhawaajiyey "in wax loo dulqaadan karo aysan ahayn shaqaale xilli yar shaqeynaya oo ayaga oo barafuunkooda leh imaanaya, ayaga oo carfaya sii baxaya".

"Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha waxaa ku qoran shaqaale tiro badan kuwaas oo qaarkood maqan yihiin, mana kala cadda shaqaalaha jooga iyo kuwa maqan," ayuu tibaaxay, wallow uusan xusin in wax laga qabanayo.

Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda oo aan si rasmi ah wax loogu kordhin tan iyo markii dowladda Farmaajo timid sababo ku aadan deyn cafinta ayaa waxaa ku jira qaar aan sax ahayn oo mushaharkooda ay dad kale qaataan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM