Ruushka oo baaq u diray hogaanka Puntland, Jubaland iyo Somaliland

Image
Wakiilka Russia ee Qaramada Midoobay ayaa khudbad uu jeediyey ku carabaabay madaxda saddexdan maamul.

NEW YORK, United States - Hogaanka Puntland, Jubaland iyo Somaliland waa in dowladda federaalka Soomaaliya ay kala shaqeeyaan daadejinta nidaamka federaalka ee dalka, sidda ay ugu baaqdey dowlada Ruushka.

Vadim Kirpichenko, wakiilka gaarka ah ee Ruushka u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayaa hadalkan ka sheegay shirka gaarka ah ee golaha ammaanka ka yeeshay xaaladda Soomaaliya Arbacadii shalay ahayd.

Kahor hadal-jeedinta danjireyaasha dowladaha xubnaha ka ah golaha ammaanka, James Swan, ergayga UN-ka u fadhiya Muqdisho, ayaa golaha uga warbixiyey xaalada siyaasada, amniga iyo bini'aadanimada dalka.

Kirpichenko ayaa fursadan uga faa'iideystay in uu u muujiyo maamulka cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud in Moscow ay diyaar u tahay wadashaqeyn toos ah oo ay la yeelato madaxda dowladda federaalka ah.

"Dhanka kale, waxaan si adag u aaminsanahay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo sharafta iyo midnimadda dhuleed [ee Soomaaliya]," ayuu raaciyey hadalkiisa isaga oo u muuqda mid ka digaya faragelin.

Walaac "qotodheer" ayuu ka muujiyey kororka weeraradda Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay "in ay ka talisa deegaanno badan oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya".

"Maleeshiyada ayaa xilliyada qaar fuliya weerarro heersare ah oo ay ku qaadaan dhibanayaal tiro badan, oo ay ku jiraan weerarro argagixiso oo ka dhaca magaalooyinka, weeraro lagu qaado fariisimaha iyo xarumaha ATMIS-ka iyo kuwa Qaranka Soomaaliyeed," ayuu tibaaxay.

Moscow ayaan joogitaan badan ku lahayn Soomaaliya balse waxaa sanadihii lasoo dhaafay ay muujineysay in ay diyaar u tahay soo celinta saameynta ay ku lahayd gudaha Soomaaliya wallow caqabado ay jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM