RW Cabdirashiid oo baaq u direy xildhibaanada Barlamanka

Image

January 28, 2015 (GO)- Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma'arke ayaa ka codsadey xildhibaanada Barlamanka Federaalka inay soo dhoweeyaan golaha wasiirada ee cusub.

Sharma'arke wuxuu sheegay in xunaha golaha wasiirada ee xalay la magacaabay yihiin kuwo lagu soo xushey kartidooda iyo waayo aragnimadooda islamarkaana qayb ka ahayn khilaafaadkii ragaadiyey shaqada dowlada.

Ra'isul Wasaaruhu wuxuu ku booriyey xildhibaanada inay tix geliyaan marxalada adag ee dalku ku jiro iyo weliba waqtiga kooban ee ka harsan hirgelinta qorsheyaalka lagu gaarayo higsiga sanadka 2016.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in wasiir ku-xigeenada iyo wasiiru dowleyaasha uu dib kasoo magacaabi doono, xilligan uu socdo wadatashi u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha oo arintaas ku aadan.

Golaha wasiirada cusub ee Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid xalay ku dhawaaqay oo dhammaantood wejiyo cusub ah kana kooban 20 wasiir kuma jiraan xildhibaano ka tirsan Barlamanka iyo xubnihii kasoo mid noqdey xukumadihii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM

Midowga Afrika oo ugu baaqay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka in ay dib ugu laabtaan wada-hadallada

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaanay labada dhinac sida ay ugu diyaar garoobeen wada-hadal toos ah.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:08AM