​RW Cumar "Falal amni xumo ayaa ka dhalan karta qaxootiga"

Image

MUQDISHU, Somalia: Wargeyska Washington Post, ayaa qoray in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, uu sheegay inay raali ka noqon doonin in xukuumadda Kenya khasab kaga saarto qaxootiga Xerada Dhadhaab.

“Waxaan dooneynaa in dadkaan dib ay ugu soo laabtaan dalka, laakiin taasi waxa ay u baahantahay in loo maro nidaam, waxaanu kala hadalnay bulshada Caalamka iyo Kenya habka ugu wanaagsan oo ay ku suuragali karto dib usoo celinta qaxootiga,” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaaraha, waxa uu sheegay in qaxootiga ay u baahan yihiin waqti ku filan oo ay kaga guuraan Xeryaha Dhadhaab, balse aysan suuragal aheyn in sanadkaan gudihiisa lagu fuliyo go’aankaasi.

“Tani waxay sii kordhin kartaa falal amni xumo  ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, sababtoo ah dhallinyarada qaxootiga ayaa ku biiri kara Kooxaha xagjirka ah, waana in laga fikiraa halka ay ku dambeyn karto noloshada dadkaan,” Ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo kula kulmay magaalada Brussels, xoghayaha guud QM Banki Moon, ayaa ka dalbaday bulshada Caalamka in laga taageero dowladiisa dib u celinta Qaxootiga Soomaalida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM