RW Khayre: Howlgal culus ayaa laga fulinayaa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay in Howlgal amni oo ballaaran laga fulin doono guud ahaan magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay mudane Khayre in howlgalka cusub ay u diyaarisay dowladda in ka badan 1,000 Askari oo isagu jira Boolis, Nabad Sugida, Militeri iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan Booliska Midowga Africa usoo direen Muqdisho.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in wax laha qaban doono amaanka Caasimadda, kadib markii dhawaan ay Al Shabaab weeraro ka fulisay afaafka hore ee Aqalka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Ciidamo cusub ayaa laga arkayaa maalmihii lasoo dhaafay wadooyinka, iyagoo baaraya gaadiidka gudaha magaalada isaga kala goosha, waxaana sare loo qaaday howlgalladii ciidamada ka fulin jireen Xaafadaha kala duwan.

Iyadoo ay tani jirto, ayaa waxay Al Shabaab kusoo qaadeen magaalada Caasimadda dhowr weerar wixii ka dambeeyay magacaabista Taliye-yaasha Booliska iyo Nabad Suguda bishii lasoo dhaafay.

Al Shabaab ayaa inta badan kordhisa weeraradeeda marka isbedel lagu sameeyo hogaanka Hay'adaha Amniga dowladda Federaalka, iyadoo arintaasi lagu micneeyay inay uga gol leedahay muujinta awoodeeda iyo inay fashliso qorshooyinka dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM