RW Khayre oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay Wehliyaan Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa Booqday Cisbitaalada la Dhigay Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii shalay ka dhacay afaafka National Theater ee magaalada Muqdishu.

Cisbitaallada uu booqday Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa ay kala ahaayeen; Madiina iyo Erdogan, isagoo midmid u xog wareystay dadka dhaawayadu soo gaareen, si uu u qiimeeyo xaaladahooda iyo nabarrada kasoo gaaray weerarkaas.

Mudane Kheyre ayaa Warbixino ka dhageystay Saraakiisha Caafimaadka ee xarumahaas caafimaad, wuxuuna ka dalbaday in dag dag loogu soo gudbiyo bukaanada Xaaladdooda Caafimaad aan waxba looga qaban karin gudaha dalka.

Agaasimaha Cisbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Cisbitaalka Madiina la soo gaarsiiyay dhaawacyada 20 ruux kuwaas oo hadda xaaladdooda Caafiimaad ay la tacaalayaan.

Sidoo Kale Saraakiisha Ciifimaadka Cisbitaalka Ordogan ayaa xagooda sheegay in lasoo gaarsiiyay 1 bukaan ayna daweynayaan.

Intaas Kadib Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa u Sheegay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in uu magacaabay guddi gaar ah oo isugu jira Dhaqaatiir, Aqoonyahan iyo Culimaa’udiin, kuwaas oo si gaar ah u qiimeyn doono dadka Dhaawacyadoodu ay culisyihiin waxna aan looga qaban karin gudaha dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Caawa booqday Goobtii uu qaraxa ka dhacay, waxaana halkaasi la geeyay howlwadeeno ka tirsan waaxda nadaafadda ee dowladda Hoose, iyagoo isla caawa bilaabay howlo lagu nadiifinayo burburka iyo waxyaabaha kale ee ka dhashay Qaraxa.

Kooxda Al Shabaab ayaa weerarkaas waxay ku dhisay ku dhawaad toban ruux kadib markii baabuur lagasoo buuxiyay walxaha qarxa uu beegsaday bar ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM