RW Khayre oo ka hadlay Sababaha keenay Sicir bararka Gobollada Dhexe

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay xaaladaha sicir bararka ee ka jira gobolada dalka iyo sidoo kale lacagaha been abuurka ah ee ay ka cabanayaan shacabka Somaliya.

Dhibaatooyin culus oo dhaqaale iyo mid nololeed ayaa ka taagan gobolada dhexe Beledweyne, Guriceel, Caabudwaaq iyo magaalooyin kale.

Ganacsatada ay diiday in ay qaateen lacagihii Shilling Soomaaliga, maadaama ay sheegeen in lacago been abuur ah la soo geliyay suuqa.

Toobaadkanka, Safirka Boqolka Doolar wuxuu ka gaarey Beledweryne 4,000,000 Sh. So, halkii uu horey uga ahaa 2,800,000 Sh. So, taasina waxay ka dambaysay markii Al shabaab ay deegaanadooda ka mamnuuceen isticmaalka Lacagta Shlin Soomaaliga.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faragelin ku sameeyay arintan, oo ku amrey Ganacsatadsa inaysan Boqolka Dollar ku sarfi Karin wax ka badan 2,800,000 Sh. So.

RW Khayre ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay la wado qorshooyin wax looga qabanayo Dhibaatooyinka Sicir barararka, oo ah mid keentay lacagihii dalka oo kusoo koobtay Kunka Shilin oo aan sarif lahayn.

Wuxuu intaasi ku daray in markii uu furmo Kalfadhiga Baarlamaanka ay horgeyn doonaan sharciyo badan oo lagu xasilinayo dhaqaalaha dalka iyo Nidaamka canshuurta.

Dhanka kale, Mudane Khayre ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay la shaqeeyaan dowladda islamarkaana usoo gudbiyaan caqabadaha hortaagan nolol maalmeedkooda, si wax looga qabto.

Khayre ayaa xusay in dhaqaale la’aanta ka jirta dalka ay keentay is-aaminaad la’aan, Sicir barar iyo amni xumo, kuwaasi oo ah dhibaatooyin u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM