RW Khayre: Shirkan oo la isku afgartaa waa Soomaaliya oo xal loo helay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ra'isal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay furitaanka shirka madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa soo jeediyay in laga wada shaqeeyo hormarka iyo la dagaallanka Al Shabaab.

Khayre wuxuu tilmaamay in kulankan uu leeyahay ajandayaal dhowr ah, balse hadii lagu heshiiyo ay la macno tahay Soomaaliya oo xal loo helay, taasina ay ka imaan karto inta shirkaas ka qayb gashay.

Wasiirka koowaad ee dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in qaraxii Zoobe ka dhacay 14-kii October laga bartay waxyaabo badan oo ay ugu horayso in lagu baraaruga codowga Shacabka.

Mas'uuliyiinta dowladda, shacabka iyo saxaafadda ayuu sheegay in cid walba ay ka saarantahay waajibaad faraya inay ka hortagaan cadowgaas.

"Lagasoo bilaabo Puntland ilaa Jubbaland, waxaa jooga Daacish iyo Shabaab, taas waxay ka dhigantahay in dadka Soomaaliya ay isugu mid tahay oo ay tahay cadowga kaliya ee dalku leeyahay, marka waxaa loo baahanyahay in cid kasta doorkeeda qaadato sidii loola dagaallami lahaa kooxdaas." ayuu yiri Khayre.

RW Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay inay ka shaqayn doonaan dowlad wanaag iyo hagaajinta xiriirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Khudbadda Khayre oo aad u koobnayd wuxuu kalo ku codsaday in la iska kaashado xoraynta Soomaaliya ee kooxda Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM