RW Kheyre: Hubka culus waa ka mamnuuc Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisal wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa shaaciyay in Hubka culus aan lagu dhex-wadan karin gudaha magaalada Caasumada ah ee Muqdishu.

Kheyre ayaa sheegay inuu socdo qorshe magaalada looga mamnuucaayo Hubka Dhashiikaha, Daba jeexa, Bam-baanooyinka iyo Hubka kale ee culus oo ay heystaan Ciidanka Dowladda iyo Mas’uuliyiinta.

"Dowladnimo maahan in dadka lagu dhex-heysto hubka nuuca culus, ma Al-shabaab ayaa dhex-jooga Muqdishu? Dowladeydu way mamnuucday hubka culus” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre.

Wuxuu dabool-ka-ka qaadey Kheyre in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto Hubka culus, ee hor-ku xusan iyadoo ku dhex-wadato magaalada Muqdishu.

Hadalka Ra'iisal wasaaraha ayaa kusoo beegmaya, xilli maalmo kahor ay Ciidamada dowladda billaabeen howlgal loogu magacdarey Xasilinta Caasumadda, kaasi oo dowladdiisa amartay in la fuliyo si looga hortago weerarada Al shabaab xilliga bisha Ramadaan.

Howlgalkii Axadii ay qaadeen Ciidamada waxay kusoo qabteen Hub fara badan, oo si sharci darro ah loogu iibin jirey magaalada, kuwaasi oo lagu fulin jirey falalka lidiga ku ah Amniga dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM