RW Kheyre oo ka qeyb galay kulanka Ciidamada Qalabka Sida [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo weheliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, ayaa maanta ka qeyb galay kulanka ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku ammaanay Xasilinta Dalka kuna dhiirigeliyey inay sii labajibaaraan doorkooda soo celinta Amniga, Xasilinta iyo Nabadeynta Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad u jeediyey ciidamada ayaa ka hadlay muhiimada, hadafka iyo doorka looga fadhiyo in Ciidanka uu kaalintiisa qaato.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Ciidanka Qalabka Sida taariikh facweyn bey Dalka ku leeyihiin, waxaadna huwan tihiin qaranimada iyo sharafta Dalka. Maadaama aad raadineysaan Soomaalinimo iyo inaad dalkaan xoreysaan, waxaana arrintaasi ku qaban kartaan inaad tihiin Soomaali, Taliyeyaasha halkan fadhida idinka ayaa la idinka rabaa inaad isku soo dhaweysaan ciidamada”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidanka qalabka sida ay yihiin rajada iyo dib u soo celinta dawladnidamada, sharciga iyo kala dambeynta. Wuxuna ugu baaqay in la sii wado qorshayaasha ay kula dagaalamayaan cadowga ummadda Soomaaliyeed ee doonaya inay daadiyaan dhiigga dadka shacabka ah.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay shaqadiina hufan, maalin walbana waxaa sii kordheysa baahida uu waddanka idin qabo. Waxaa dhammaanteen naga go’an inaan difaacno diinteena, dalkeena, dadka iyo dowladda. Cadowga waad ka xirfad sareysaan, kana garowshiyo fiican tihiin dhinaca diinta, asluubta, dhaqanka iyo aadminimada, taas ayaana keentay inaad shacabka kalsooni buuxda ka kasbataan”.ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay Wasiirka Caddaaladda iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhammaantood tilmaamay baahida loo qabo ciidan hanan kara guud ahaan amniga dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM