RW ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Hakan Çavuşoğlu ayaa maanta oo Khamiis ah soo gaarey magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Hakan Çavuşoğlu waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay dhigiisa dalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, Xildhibanno iyo Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka, iyadoo kadib loo galbiyay Saldhigga Turkiga ee deegaanka Jazeera.

Wafdiga Hakan Çavuşoğlu oo booqasho hal maalin ah ku yimid Muqdisho, ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato mas'uuliyiinta sare ee dowladda, iyagoo kawada hadli doono arrimo dhowr ah oo xiriirka labada dowladooda uu kamid yahay.

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha taageerada siiya dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo saldhig weyn oo military ka dhistay deegaanka Jazeera ee Muqdisho, halkaasi oo tababar lagu siinayo ciidamada dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay fashilka shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Intaa waxaa dheer, Madashu waxay xooga saartay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada qaran.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 02:41PM

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhaawacyo culus kasoo gaareen iska horimaadyada.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 11:32AM