Ra’isal Wasaare Rooble oo ku wajahan caasimada Puntland

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku sii jeeda magaalada Garowe caasimada Puntland xilli khilaaf adag ka taagan yahay qabashada doorashada Soomaaliya.

Rooble ayaa waxaa kaga sii horeeya Garowe wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Maxamad Cabdirizaq.

Socdaalka ayaa bilow u ah safaro uu ku tagayo Ra'isal wasaare Rooble qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

Ujeedeedka safarkaan ayaa la filayaa inuu diirada saarayo xal u helida caqabadaha ku horgudban hirgelinta heshiiskii doorasho oo muran xooggan ka taagan yahay guddiyada doorasho ay soo magacaabeen dowladaha Federaalka iyo qaar ka tirsan Maamulada Soomaaliya.

Safarka Rooble oo uu horey u qorsheynayey ayuu kaga dhawaaqey kulankii asbuucaan horaantiisa ku dhexmarey magaalada Muqdisho dowlada Federaalka, maamul goboleedyada iyo beesha caalamka.

Wasiirka Kowaad ee Soomaaliya oo muddo xileedkiisu kooban yahay ayaan la gareyneyn isbadalka uu ku sameyn karo qorshaha Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ka leeyihiin doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku guuldareystey dadaal dhexdhexaadin ah uu ka dhexwadey Farmaajo iyo midowga musharaxiinta.

Rooble ayaa lugtiisa labaad noqon doontaa maamul goboleedka Galmudug halkaas oo uu degaan ahaan ka soo jeedo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM