​RW Sharmake iyo Farole oo Dubai ku kulmay

Image
Image
Image

Ra'isal wasaraha Somalia Cumar Candirashid Sharmaake iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole ayaa galabta waqtiga Dubai ku kulmey Hotel Grand Hayatt wadanka Imaraadka Carabta.

Labada mas'uul ayaa kawada hadlay sida aan ku heleyno wararka xaalka Somalia gaar ahaan doorashooyinka dalka waddanka ka dhacaya dabayaqada sanadkaan 2016.

Waxay si qoto dheer uga doodeen marxaladda kala guurka ah iyo Somalida sida looga saari karo xaaladda ay ku jirto, iyagoo sheegay inay lama huraantahay  in dalka isbadal uu ka dhaco.

Ra'isal wasaraha Somalia ayaa weli ku dhawaaqin musharaxnimada xilka Madaxweynaha Somalia sanadka 2016 balse warar lagu kalsoon yahay ayaa GO u sheegaya in dhowaan ku dhawaaqi doono inuu u tartamayo xilkaan.

Cumar Cabdirashiid ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Imaaraadka, waxaana kulankan kusoo beegmay xilli madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxman Farole dhawaan lagu soo sagootiyay dalka Australia isagoo la kulmi doona jaaliyadda Somaaliyeed ee ku sugan waddanka Imaaraadka.

Loollanka loogu jiro hogaaminta Somalia ayaa kasocota dalka iyo dibadiisa, waxaana murashaxiin badan oo isu soo taagay jagada madaxweynaha dalka iyo kuwa si hoose u wata loollankiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM