Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socda Kudhaa iyo deegaanada ku xeeran

Image

March 18, 2015 (GO)- Cabsi ayaa soo food saartey dadka ku dhaqan deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose kadib markii 24tii saac ee ugu dambeeyey laga dareemay dhaq dhaqaan ciidan oo ay wadaan ciidamada Jubaland oo kaashanaya kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

Dadka rayidka ayaa ka cabsi qaba in lagu kor dagaalamo maadaama magaaladu leedahay hal waddo oo soo gasho ayna adag tahay in laga baxo haddiiba uu dagaal ka bilowdo.

Ciidamada huwanta ayaa doonaya inay dib u qabsadaan deegaankan, halkaasoo ururka Al-shabaab dagaal culus kula wareegey dhammaadka sanadkii tegey ee 2014. Wararka ayaa intaas ku daraya in mileeshiyaadka Al-shabaab dhankooda diyaar garow xooggan ku jiraan.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay dul heehaabayaan Kudhaa iyo deegaanada ku xeeran, sidoo kale maraakiibta dagaalka ee Kenya ayaa kusoo dhowaadey xeebta.

Ciidamada Jubaland ayaa Al-shabaab ka saarey Kudhaa October 25, 2014  balse Shabaabka oo duullaan rogaal celis ah soo qaadey ayaa dib ula wareegeey deegaankaas November 8, 2015.

Dadka ku dhaqan Kudhaa ayaa u badan kalluumeysato noloshooda ku maareeya wax soo saarka badda, waxayna kalluunka u dhoofiyaan dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM