Sacuudiga oo dib u furey safaaradiisa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sacuudiga ayaa ku dhawaaqey inuu dib u furey Safaaradiisa Caasimadda Soomaaliya kadib tobanaan sano oo xirnayd.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee Saudi Press Agency [SPA], oo soo xiganeysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi ayaa sheegtay in Safaaradda oo mudo ku shaqeynaysa Kenya, loo wareejiyay Muqdisho.

Bishii June, wafdi ka socday Sacuudiga, ayaa yimid Muqdisho, kaasoo diyaarinayay dib u furitaanka safaaradda, waxaana Boqor Salam usoo magacaabey Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad inuu noqdo safiirka cusub ee u fadhiya Soomaaliya.

Al-Muwallad waa safiirkii labaad ee Sacuudiga u soo magacaabo Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

Dr. Maxamed Cabdi-kani Al-Khayat ayaa bishii Janaayo ee sanadkii 2017 warqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sacuudiga iyo xulufadiisa Imaaraadka ayaa hoos u dhigay xiriirkooda Soomaaliya kadib markii uu Farmaajo la saftay Qatar, oo la sheegay inay maalgelisay doorashadiisii Feb 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM