Sacuudiga oo ka hadlay faragelinta shisheeye ee arrimaha gudaha Soomaaliya
Riyadh – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa mar kale xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee ku aaddan madaxbannaanida, midnimada iyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si cad u diidday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa wadajirka dalka ama lagu abuurayo maamulro is barbar socda.
Mowqifkan ayaa lagu muujiyay kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada Sacuudiga, kaas oo uu guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis, isla markaana lagu taageeray natiijada shir degdeg ah oo ay wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ku yeesheen magaalada Jeddah, si looga hadlo xaaladda Soomaaliya.
Golaha Wasiirrada Sacuudiga ayaa sheegay in Boqortooyadu ay si buuxda u diidday “wax kasta oo ka hor imanaya midnimada Soomaaliya iyo wadajirka dhulkeeda,” iyo sidoo kale ficil kasta oo lagu kala qaybinayo dalka ama lagu faragelinayo madaxbannaanidiisa.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan diidmada dalal badan oo gobolka iyo kuwa Islaamka ah ka muujinayaan go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, oo ah gobol ku dhawaaqay gooni-isu-taag sanadkii 1991 balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.
Mowqifka Sacuudiga ayaa yimid saacado kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Cabdilaati, uu cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isagoo ku tilmaamay mid ka hor imanaya sharciga caalamiga ah isla markaana xadgudub ku ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
War kasoo baxay Khamiistii, Cabdilaati ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Masar iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, korontada, tamarta la cusboonaysiin karo, dawooyinka, iyo warshadaha beeraha iyo cuntada.
Sacuudi Carabiya iyo Masar ayaa kamid ahaa dalalkii ugu horreeyay ee si cad u diida tallaabada Israa’iil, taasoo muujinaysa is-afgarad ballaaran oo goboleed oo lagu taageerayo midnimada Soomaaliya.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso in ay kaga hortagto aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, iyadoo ku adkaysanaysa in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida uu qabo sharciga caalamiga ah.
GAROWE ONLINE