Saddex beelood oo ku heshiiyey degamda Dhuusomareeb

Image

March 22, 2015 (GO)- Saddex beelood ayaa heshiis ku kala saxiixdey degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Beelahan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobollada Galguduud iyo koonfurta Mudug waxay isku afgarteen inay is cafiyaan, is kaashadaan deris wanaagna ku wada noolaadaan.

Isimadda, cuqaasha iyo aqoonyahanka saddexda beelood ayaa si rasmi ah heshiiskaas qalinka ugu duugey.

Munaasabaddii lagu saxiixayey waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasoo bogaadiyey heshiiska kuna baaqay in si dhaqso ah loo dhaqan geliyo.

Heshiiska degmada Dhuusomareeb shalay lagu saxiixey ayaa kusoo aadaya xilli uu gaba gabo ku dhow yahay shirka maamul u sameynta gobollada Galguduud iyo koonfurta Mudug.

Madaxweynaha iyo Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegay in maamulkaas aan la dhisi karin iyadoo aanay beelaha gobolka wada degaa dhexdooda ka heshiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM