Saddex cawaaqib oo ka dhashay amar Trump duldhigay Soomaaliya

Image
Madaxwaynihii hore ee Mareykanka ayaa talaabadan qaadey todobaadyadii ugu dambeeyay maamulkiisa.

WASHINGTON, United States - Go'aankii Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga saarey Soomaaliya todobaadyadii ugu dambeeyay maamulkiisa wuxuu dhaliyey cawaaqib daran, sida ay warisay Washington Post.

Jariirada afka dheer oo soo xiganaysa saraakiil Soomaali iyo Ameerikaan ah ayaa daabacdey in talaabadaas ay sababtey khasaaro maaliyadeed, carqaladeynta howlgalo milatari iyo soo rogaal-celinta Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtey warbixinta, tan iyo markii Joe Biden uu dib ugu soo celiyey ciidamada gudaha Soomaaliya, "waxay horumar ka sameeyeen afar kamid ah lix dib-u-dhac oo ka dhashay go'aanka Trump".

Khasaaro maaliyadeed

Markii ay ka baxeen Soomaaliya, ciidamadda Mareykanka ayaa saldhigtey Jabuuti iyo Kenya. Kaliya lama rararin ciidamadda, waxaa sidoo kale la daabulay dhamaan wixii agab ahaa oo ay wateen.

Saraakiil amni oo codsadey in magacooda aan lasoo xigan ayaa WP u sheegay in kaliya halkii duulimaad ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ay uga baxdo aduun lacageed dhan $930,000.

"Waa talaabo ku talogal ah oo khatar ah, kharash badan oo hadana nacasnimo ah," ayuu sii raaciyey sarkaalkan oo kamid ah ciidamadda Mareykana ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Carqaladeyn milatari

Ciidamadda kumaandooska Soomaaliya ayaa, sidda ku xusan warbixinta, markii ay baxeen dhigooda Ameerikaanka ah waxay "dareemeen in meel cidlo ah looga dhaqaaqay".

Mas'uuliyiin ka kala tirsan cutubyada Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in go'aanka Trump uu carqaladeeyay dhaqdhaqaaqyada milatari ee ka dhanka ah xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

"Sidoo kale, bixitaankaas waxay si wax ku ool ah u carqaladeysay awooda Mareykanka ku heli xogaha mukhaabaraadka, falanqeyntooda iyo taagerada howlgalada dhanka cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab," ayay sheegeen.

Soo-nooleynta Al-Shabaab

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa dib boorka uga jafay awoodooda kadib go'aankaas, sidda laga soo xigtey majaladda oo la hadashay illo wareedyo isugu jira Soomaali iyo Ameerikaan.

"Al-Shabaab ayaa kordhisay tirada dagaalameyaasheeda. Al-Shabaab ayaa kor u qaadey dakhliga soo gala. Al-Shabaab waxay qabsatay degaano badan," ayay carabka ku adkeeyeen.

Dowladda cusub ee uu hogaamiyo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday howlgallo saf-ballaaran oo saddex jiho ah - milari ahaan, dhaqaale ahaan iyo fikir ahaan waxaana dadaaladan u muuqdaan "faanoole fari ka qodna".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM