Saddex qodob oo hortabin u ah xukuumadda soo socota

Image
Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo wareysi gaar ah siiyey Garowe Online ayaa shaaciyey qodobadan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo u waramay Garowe Online Twtter Space ayaa soo bandhigay saddex qodob oo ay si degdeg ah u fulineyso xukuumada uu soo dhisi doono.

Ra’iisul wasaaraha cusub oo xafiiska la wareegay Arbacadii ayaa sheegay in xukumada uu soo dhisi doono ay si deg deg ah wax uga qaban doonta abaaraha dalka ka jira, ay furi doonta wadooyinga ay go’doomiyeen Al Shabaab si dadka shacabka loo gaarsiiyo gargaarka iyo in laga fakaro in xaaladaan macluusha ah aysan dalka ku soo laaban.

“In jidadkii la furo oo la xoreeyo, oo awood loo yeesho in dadkii la gaaro,  amnigii iyo gurmadkii abaaraha waxaad moodaa in ay isku xiranyihiin iyo la fakaro in waxaan aysan dib dambe noogu soo noqon” ayuu u sheegay Garowe Online.

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa u sheegay Garowe Online "Xafiiskayga wuxuu leeyahay qeyb qaabilsan abaaraha oo si maalinle ah u hela macluumaadka saxda ah. Ciddii u baahan xogta dhab ah way lasoo xiriiri karaan".

Wasiirka 1aad ee xukumada ayaa sheegay in xafiiskiisu si maalin ah u soo bandhigi doono xaalada abaaraha dalka halkaas oo u sahlaysa dadka doonaya in ay wax baxsadaan ay ka ogaadaan xogtaha abaaraha dalka.

Xamza oo xilka loo magacaabay 15-kii bishaan ayaa wixii xiligaas ka dambeeyay uu bilaabay wada-tashiyo ku aadan sidii uu usoo magacaabi lahaa Golihiisa Wasiirada, oo ay doonayaan inay kasoo muuqdan siyaasiyiin xilal haya iyo kuwo horay u soo qabtay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa horyaalla fulinta ballan-qaadyadiisa iyo shaqooyin dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida hagaajinta xiriirka Arrimaha Dibadda, Amniga, Shaqaaleynta dhalinyarada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM