Saddex ahmiyad uu leeyahay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Image
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Axmed Nuur Tarsan. [Photo: Safaaradda Soomaaliya ee Kenya]

NAIROBI, Kenya – Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo sharaxay muhiimada Xiriirka labada Dal ayaa sheegay in uu muhiim u yahay ugaarsiga kooxaha xiriirka Al Qaacida sida Al Shabaab oo weeraro dhiig ku daato ka fulisa labada wadan ee dhacda geeska qaarada Afrika.

Tarsan, ayaa cadeeyay in Baahida dhanka Amniga ah ay labada Dowladood ay qasbayso in ay iska kaashadan la dagaalanka Al-Shabaab oo ah urur halis ku ah amniga gobolka oo la daaladhacaya abaaro xooggan.

Danjiraha ayaa sheegay in wadashaqaynta labada dhinac ay meesha ka saari karto weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan labada Dal maadaama ay isaga kala gudbaan Soohdinta ka dhaxeysa labada Dal.

“Dowladda Kenya iyo annaga oo deris ah waxa aan nahay labo Dowladood oo aan kala maarmi Karin, waxa aan leenahay xuduud dheer, Dad badan oo Soomaali ah ayaa halkaan ku shaqeysta, si nabad ah oo xasilooni ah oo ay raali ka yihiin Dowladda Kenya & mas’uuliyiintooda sidaas  awgeed waxa ay Dadka Soomaalida aad waxa ay ugu baahan yihiin in aan xoojino xiriirkeena, xiriirka Soomaaliya & Kenya ka dhaxeeya muhiim ayuu inoo yahay iyagana sidoo kale oo lama kala maarmo labada Dal” Danjire Tarsan.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Kenya ayaa sheegtay in haddii labada Dowladood ay iska kaashadaan sugdidda Nabadgalyada uu xoogeysanayo amniga iyo horumarka Ganacsiga.

“Soomaaliya & Kenya ma jiro Dal gooni u taagnaan kara waayo waxaa naga dhaxeeya hal cadaw oo ah Shabaab oo dhibaato ku ah xasiloonida iyo degenaashiyaha Soomaaliya iyo Kenya, haddii aan gacmaha is qabsano anaga & Kenya shaki kuma jira in aan jebin karno oo aan ka guuleysan karno ka bacdina aan u jeesan karno sidii aan u dhisan lahayn dhaqaaleena una hagaajin lahayn waddamadeena” Sidaasi waxaa yiri Danjire Tarsan.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan Militari ah oo wadanka soo galay sanadkii 2011 iyaga oo qiil ka dhiganaya in ay kahortagayaan weerarada Al-Shabaab, muddo kaddib waxaa loo ogolaaday in ay ku biiraan Ciidanka Midowga Afrika AMISOM ee April 2022 loo baddelay howlgalka ATMIS.

Al-Shabaab ayaa Kenya ka fulisay weeraro sababay dhimasho, dhaawac & burbur hanti waxaana kamid ah, weerarkii ka dhacay Westgate Mall 2013, kii Jaamacadda Gaarisa 2015, weerarkii Dusit D2 2019, kan ka dhacay Camp Simba (Manda bay) 2020 iyo weeraro kale.

Maleyshiyadda ayaa weeraro bahalnimo ah ka gaystay caasimadaha Muqdisho iyo Nairobi iyaga oo wali ku howlan rabshadaha ay ku carqaladaynayaan amniga iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM