Saddex sabab oo lagu tuhmay askarta lagu tababaray Eritrea

Image
Qeybtii ugu horeysay ee ciidankan oo ah 200 askari ayaa asbuucii hore laga soo dejiyey Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya – Qeybtii ugu horeysay ee ciidanka maamulka Farmaajo tababarka ugu diray Eritrea oo ah 200 askari ayaa todobaadkii hore laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee Muqdisho.

Warar madax-banaan ayaa tibaaxaya in askartaas u badan dhalinyarro lagu xareeyay xero loosie diyaaryey oo ay si gaar ah u maamusho hay'adda sirdoonka qaranka oo horey qorshaha diiwaangelinta maamushay.

Mucaaradka ayaa tuhun badan ka muujiyey soo celinta askarta. Xubno ka tirsan midowga musharaxiinta waxay ka shakisan yihiin in maamulka Farmaajo doonayo in uu ku khal-khal-geliyo hanaanka doorashooyinka baarlamaanka.

Dowladda federaalka Soomaaiya ayaan wali wax war ah kasoo saarin soo celinta askarta. Dhanka kale, madaxtooyadda ayaan wali ka jawaabin eedeymaha la xiriira in Farmaajo doonayo in uu askartan ku maquuniyo doorashadda.

Hadaba, warsidaha Garowe Online wuxuu kusoo gudbinayaa saddex qodob oo horseeday shakiga xooggan ee laga muujiyey askartan la sheegay in laga soo kala xulay Galmudug, qaybo kamid ah Jubaland iyo Puntland.

In qaadistooda aan la ogayn: Xilli habeen ah ayaa laga dhoofiyey Muqdisho. Tiradooda saxda ah waxaa lagu qiyaasay in ka badan 7,000. Qaarkood waxaa la sheegay in ay ku dhinteen colaadda Itoobiya. Balse, dowladda federaalka waxay beenisay sheegashooyinkaas.

In waalidiintooda la siray: Warbixinada qaar waxay xusayaan in waalidiinta waqtigii diiwaan-gelinta loo sheegay in loo qaadayo Qadar ayna ilaalo ka noqonayaan koobka aduunka 2022 kuna shaqeynayaan ugu yaraan 5,000. Hase ahaatee, waxaa muuqata in la duufsadey lana geeyay waddanka Eritrea.

In aysan ku jirin tiradda ciidanka xoogga: Taliyeyaasha ciidamadda milatariga iyo booliska waxay si furan u sheegeen in aysan la socon diiwaan-gelinta ciidankan. Tani waxay dhabaha u xaartey tuhun ku aadan in uu jiro qorshe gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM