Saddex Senator oo lagu doortey magaaladda Jowhar

Image
Mudaneyaasha ayaa kamid ah sideeda xubnood ee HirShabelle ku metelaya Aqalka Sare afarta sano ee soo aadan.

JOWHAR, HirShabelle - Saddex kamid ah sideeda xubnood ee dowlad goboleedka HirShabelle ku metelaya Aqalka Sare baarlamaanka federaalka 11aad ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu doortey magaala madaxda Jowhar.

Coddeynta waxaa qorshuhu ahaa in ay qabsoonto xilli hore balse waxaa in dib-u-dhaca badan loo aaneeyay Xildhibaanada oo aan xaadirin hoolka lana kulansanaa qaar kamid ah musbaraxiinta.

Tafaasiisha ayaa intaas ku daraya in musharaxiinta ay mudaneyaasha u qeybiyeen dhaqaale. Doorashada waxay bilaabatay maqribadii iyadda oo soo gabagabowdey abaare afartii caweysnimo.

Muuse Suudi Yalaxow ayaa difaacdey xubinimadiisa Aqalka Sare ee federaalka Soomaaliya oo uu ku metelo HirShabelle kadib markii doorasho caawa ka dhacdey Jowhar uu 55 cod kaga adkaadey Axmed Daaci oo ay u coddeysay 43 mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka baarlamaanka HirShabelle.

Suudi iyo Axmed ayaa ku kala baxay wareeg saddexaad kadib markii labada wareeg kale ay noqdeen tartameyaasha ugu codka badnaa. Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ku haray wareega labaad.

"Malxiis layguma siin. Waan ku qanacsanahay. Xildhibaanada oo dhanna waan u mahadcelinaa," ayuu Suudi u sheegay ka qeybgaleyaasha waxyar kadib markii lagu dhawaaqay in uu guuleystaha yahay.

Nuur Maxamed Geedi Canjeec ayaa kusoo baxay kursigii labaad ee doorashada xubnaha Aqalka Sare ee HirShabelle kadib markii uu 70 cod uu kaga guuleystay Maxamed Cusmaan Dhaga-juun oo ay u coddeysay 27 sharci-dejiye, sida uu sheegay guddoonka baarlamaanka oo daadihinaya coddeyntan caawa ka socota magaalada caasimada ah ee Jowhar.

Fartuun C/qaadir Faarax Karaama ayaa ku guuleysatay in ay mar kale HirShabelle ku metesho Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya markii ay qaab gacan-taag ah ku heshay codadka 83-cod kadib markii ay tartanka ka hartay musharaxii la tartameysay.

Kuraasta kale ee baaqiga ah ayaa la filayaa in loo coddeeyo maalmaha soo aadan iyadda oo qorshuhu yahay in todobaadkan lasoo dhameystiro liiska si kadib maamulka u guda galo xulista xubnaha Aqalka Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM