Safaaradda Kenya ee magaaladda Muqdisho oo dhisme cusub yeelatay

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Safaaradda dowladda Kenya ku leedahay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa yeelatay dhisme cusub oo rasmi ah, sidda uu wariyey wargeyska afka dheer ee maxaliga ah - Daily Nation.

Sidda ku xusan warbixinta, talaabadan ayaa la macno ah in howlgalka diblumaasiyadeed ee xukuumadda Nairobi ay u baaqan doonto lacagtii uu ku bixin jiray kirada goobtii uu horey u deganaa.

Shaacintan ayaa timid xilli todobaadkan ay Muqdisho wadahadalo ku saabsan wanaajinta iskaashiga ganacsiga uga dageen wafdi Kenyaan ah oo uu horkacayo Xoghayaha Joogtada Wasaarada Arrimaha Dibada.

Macharia Kamau ayaa la kulmay dhigiisa Soomaaliya, wuxuuna miiska saarey dalab ku aadan in ay Soomaalida u fududeeyaan dal ku galka [fiisaha]. Tani waxay imaaneysaa xilli ay jirto xiisad xayiraadda Qaadka.

Bishii May, 2018 ayay ahayd markii danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho, Lucas Tumbo, uu shaaciyey in ay dhisanayaan dhisme casri ah.

Safaarada Kenya ayaa horey u deganayd gudaha Hoteelka Jazeera ee Muqdisho, balse weerarkii lagu qaaday 2015-kii kadib loo raray xarun ku taala nawaaxiga Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan.

Mr Tumbo ayaa caddeeyay in dhismahooda cusub uu ku dhow yahay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Balse ma fahfaahin hadii ay dhulka uu yahay mid ay iibadeen ama in ay ugu deeqdey dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Federaalka ah ayaan wali ka hadlin arrintaan. Isku dayo wax looga waydiin lahaa ma guuleysan. Kahor burburkii, safaarada Kenya waxay taalay jidka Maka Al Mukarama.

Inta badan safaaradaha dalalka ajnabiga ku leeyihiin Muqdisho ayaa ku yaala xerada Xalane oo ammaankeeda ay ilaaliyaan ciidamada howlgalka Midowga Afrika [AMISOM] kuna dhow madaarka caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM