Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Image

MUQDISHO — Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa beenisay warar sheegaya in ay soo saartay digniin amni oo ku saabsan safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku tagayo magaalada Laascaanood ee waqooyiga dalka, iyadoo wararkaasi ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Bayaan ay Safaaraddu soo saartay Arbacadii ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax digniin amni ah oo ay Mareykanku ka soo saareen safarka Laascaanood, waxayna shacabka iyo warbaahinta ugu baaqday in ay iska indha-tiraan wararka khaldan ee lagu faafinayo baraha bulshada.

“Safaaradda Mareykanka ma soo saarin wax digniin amni ah oo ku saabsan safarka Laascaanood,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo intaas ku dartay in xogta saxda ah lagu kalsoonaan karo oo keliya ay tahay midda lagu daabaco website-keeda rasmiga ah iyo akoonnada ay ku leedahay baraha bulshada ee la xaqiijiyay.

“Fadlan ku kalsoonaada macluumaadka ka imanaya website-kayaga rasmiga ah iyo boggaga warbaahinta bulshada ee Safaaradda,” ayay tiri Safaaraddu.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

Beeninta Safaaradda Mareykanka ayaa timid kaddib markii Talaadadii si weyn loogu faafiyay baraha bulshada warar sheegaya in Washington ay soo saartay digniin amni oo la xiriirta booqashada la filayo inuu madaxweynuhu ku tago Laascaanood, oo ah caasimadda maamulka cusub ee goboleedka.

Wararkaas ayaa ku soo beegmaya xilli wafdiyaal kala duwan oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii gaareen magaalada Laascaanood, kuwaas oo ka qeyb galaya caleemo-saarka madaxweynaha maamulkaasi, Cabdikariin Axmed Cali, oo loo yaqaanno Firdhiye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Laga Mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho

Koox xildhibaanno federaal ah oo u safrayay Garoowe ayaa shalay lagu qasbay inay dib ugu soo laabtaan Muqdish.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 08:32AM