Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo ka hadlay siideynta Qalbi Dhagax [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka dowladda Itoobiya ufadhiya Soomaaliya, Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sii daynta Cabdi Kariin Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax", oo katirsan saraakiisha Jabhadda ONLF.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in Qalbi-Dhagax siideyntiisa uu ku yimid dalabka dowladda Itoobiya uga xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

"In lasii daayo Qalbi Dhagax waxay ku timid codsi ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Itoobiya, taasoo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed aqbalay," ayuu yiri Safiir Jamaaludiin.

Marka laga soo tago hadalka Danjiraha ma jiro war kasoo baxay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan wararka sheegaya in lasoo daayay Qalbi Dhagax oo iyada markii hore u gacan gelisay hogaamiyahan katirsan ONLF dowladda Itoobiya sanadkii tagey.

Xukuumadda Khayre ayaa culeys iyo cambaareyn xooggan kala kulantay dhiibista Qalbi Dhagax.

Hadalka Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo mar sii horeysay Oday dhaqameed Gurigiisa la geeyay Qalbi Dhagax markii xabsiga laga soo daayay uu beeniyay in dowladda Soomaaliya ay lug ku leedahay siideynta Ninkan.

ONLF oo uu ka tirsan yahay Qalbi Dhagax oo ka hadlay waxuu shaki geliyeen sii dayntiisa, iyadoo Afhayeen u hadlay uu ku doodaya in hadii uu xor yahay loo baahan yahay in loo ogolaado inuu aado qoyskiisa iyo caruurtiisa iyo inuu ka bixi karo Itoobiya.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM