Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Mareykanka oo dhintay

Image

WASHINGTON, USA - Diblumaasi Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdikariim Cali Cumar ayaa lagu waramay in shalay galab uu ku geeriyooday magaaladda Columbus, gobolka Ohio ee waddanka Mareykanka.

Mr Cumar oo dhimashadiisa ay xaqiijiyeen xubno kala duwan oo kamid ah qoyskiisa iyo asxaabtiisa ayaa ahaa safiirkii ugu dambeeyay ee Mareykanka u fadhiyey maamulkii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

November, 16, 1989 illaa December, 18, 1989 ayuu marxuum Cumar ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddanka Mareykanka. Wuxuu lasoo shaqeeyay madaxweyne George Bush.

Wararka ayaa intaas ku daraya in marxuumka uu musharax madaxweyne u ahaa doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 oo is-mari-waa culua uu ka taagan yahay.

Inta la ogyahay, Soomaaliya waxay Mareykanka u diratay 14 safiir kuwaas oo lasoo kala shaqeeyay dowladihii ugu dambeeyay. Cumar Macalin Maxamed ayuu ahaa danjirihii ugu horeeyay ee Muqdisho u fadhiistey Washington.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug kana mid ag Midowga Musharaxiinta madaxtinimada doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21, ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

"Alaha u naxariisto marxuum Amb. Abdikarim Ali Omar oo ku geeriyooday dalka Mareykanka. Marxuumka oo ahaa oday Soomaaliyeed waxaan geeridiisa oga tacsiyeynayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed," ayuu kusoo qoray boggiisa Facebook.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM