Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Mareykanka oo dhintay

Image

WASHINGTON, USA - Diblumaasi Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdikariim Cali Cumar ayaa lagu waramay in shalay galab uu ku geeriyooday magaaladda Columbus, gobolka Ohio ee waddanka Mareykanka.

Mr Cumar oo dhimashadiisa ay xaqiijiyeen xubno kala duwan oo kamid ah qoyskiisa iyo asxaabtiisa ayaa ahaa safiirkii ugu dambeeyay ee Mareykanka u fadhiyey maamulkii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

November, 16, 1989 illaa December, 18, 1989 ayuu marxuum Cumar ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddanka Mareykanka. Wuxuu lasoo shaqeeyay madaxweyne George Bush.

Wararka ayaa intaas ku daraya in marxuumka uu musharax madaxweyne u ahaa doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 oo is-mari-waa culua uu ka taagan yahay.

Inta la ogyahay, Soomaaliya waxay Mareykanka u diratay 14 safiir kuwaas oo lasoo kala shaqeeyay dowladihii ugu dambeeyay. Cumar Macalin Maxamed ayuu ahaa danjirihii ugu horeeyay ee Muqdisho u fadhiistey Washington.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug kana mid ag Midowga Musharaxiinta madaxtinimada doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21, ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

"Alaha u naxariisto marxuum Amb. Abdikarim Ali Omar oo ku geeriyooday dalka Mareykanka. Marxuumka oo ahaa oday Soomaaliyeed waxaan geeridiisa oga tacsiyeynayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed," ayuu kusoo qoray boggiisa Facebook.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM