Safiirkii Somalia dalka Masar oo Muqdishu lagu aasay

Image
Image
Image
Image
Image

26 November, 2016(GO)-Safiirkii Somalia u fadhiyay dalka Masar ayaa maanta lagu aasay magalada Muqdishu xarunta Somalia, ka dib diyaarad khaas ah oo ka keentay Qaahira.

Aaska Safiirka, waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud, xubno ka socday goloyaasha dowladda iyo qaar ka mid ah ehelada marxuumka.

Salaadda Janasada ayaa Cabdullaahi Xasan Maxamud lagu tukuday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana lagu aasay qabuuraha Cusbitalka Madiina ee magalada Xamar.

Madaxweynaha Somalia ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo umadda Somaliyeed ee uu ka baxay marxuum Cabdullaahi Xasan oo ahaa safiir door ka soo qaatay diblomaasiyadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM

Dawladda Puntland oo adkaysay amaanka xeebaheeda

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale uga digay cid kasta oo isku dayda inay ka hortagto ciidamada ama adeegsato maleeshiyaad hubeysan.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 09:09AM