Saldhig ay Al-Shabaab leedahay oo la duqeeyay [Fahfaahin]

Image

LEEGO, Soomaaliya - Duqayn looga shakisan yahay inay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn [Drones] ee dowladda Mareykanka ayaa ka dhacday degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, maanta oo Sabti ah.

Sida laga soo xigtay dadka degaanka, duqeynta waxaa lala beegsaday Saldhig ay xoogaga Al-Shabaab ku leeyihiin degaankaas, halkaasoo ku sugnaayeen saraakiil sare oo dagaalyahano badan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xiliga duqaynta ay dhaceysay ay Al-Shabaab fulinayeen dil toogasho ah, taasoo ay kasoo qayb galeen qaar kamid ah dadka degaanka, iyo xubno kale Shabaab ah.

Ma cadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay duqaynta, balse, illo wareedyo dhanka amaanka ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u sheegaya Garowe Online in xubno Shabaab ah ay goobta ku dhinteen.

Al-Shabaab oo dhinaceeda war rasmi ah kasoo saartey weerarka dhanka cirka ah, ayaa waxay sheegtay in dad shacab ah oo kaliya lagu dilay duqeynta, iyadoo meesha ka saartay inay jiraan Dagaalyahano iyo saraakiil looga dilay.

Taliska Howlgalka Mareykanka ee Qaaradda Afrika, kaasoo loosoo gaabiyo AFRICOM wali kama uusan hadlin warkaan, inkasta oo xiriiro uu la sameeyay Warsidaha GO aysan ka jawaabin.

Duqayntaan ayaa kusoo beegmaysa labo todobaad ka hor howlgalka AFRICOM uu sheegtay in weerar dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen degaan ku dhow Baladul-Amiin ay ku dileen Afar kamid ah xubnaha Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM