​Saldhigga Al Shabaab ee Baladul Amiin oo la bur-buriyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamo katirsan dowladda Somalia kuwa nabad ilaalinta u jooga dalka ee AMISOM weerar qorshaysan ku qaadeen saldhig kooxda Shabaab kulahaayeen deegaanka Baladul Amiin ee gobolkaasi.

Majirin wax iska hor imaad ah oo dhexmaray labada dhinac, balse si nabad ah ayaa ciidamadu kula wareegeen xaruntaasi oo la sheegay in ururka Shabaab ku qaadi jireen lacag baad ah islamarkaana u ahayd xaruntooda gobolkaasi.

Saraakiisha amniga ee ciidamadaasi hogaaminaysay ayaa la kulmay odoyaasha dhaqan waxayna kala hadleen qaabkii loola shaqayn lahaa ciidamada nabad-galyada  islamarkaana ka qayb qaataan sidii kooxda aysan ugusoo laaban deegaankaasi.

Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana la sheegay in ciidamadu qabteen ilaa 8 ruux oo looga shakisanyahay inay xiriir la leeyihiin Mallayshiyada Shabaab.

Waxaa sidoo kale wararku intaas ku dareen in ciidamadu dawo u qaybiyeen bulshada waloow aysan jirin baaritaano ay sameeyeen.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xooganyihiin kooxda Shabaab waxaana socda dadaalo dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed kaga hortagayaan howlgallada kooxdaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM