Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu diley weerarkii Mareykanka

Image

MUQDISHU, Somalia- Labo sarkaal oo ka tirsan ururka Al- Shabaab ayaa lagu diley weerar dhowaan ciidamada Mareykanka u gaysteen xero ururka Al-Shabaab ku tababaraan dagaalyanadooda.

Saraakiisha weerarkaan lagu diley ayaa wasaarada Gashaandhiga Mareykanka sheegtey inuu kamid ahaa Yusuf Ali Ugaas oo kamid ahaa dadka wacyi galiya ciidamada al-Shabaab iyo Maxamad Mire. 

Maxamad Mire ayaa ururka Al Shabaab u qabilsanaa gudoomiyaha gobolka Hiraan isagoo sidoo kale ka tirsanaa guddiga Maaliyada ee ururkaas.

Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa sheegtey in weerarkaan ay gaysteen diyaardaha Dron-ka iyo qumaatiga u kaca kuwasoo bartilmaameedsadey xero ururka Al Shabaab ku lahaayeen halka loo yaqaano Raso ee ka tirsan gobolka Hiraan.

Ururka A-Shabaab ayaan beenin dilka loo gaystey saraakiishaan halka ay wax kama jiraan ka dhigeen tirada ciidamada ee lagaga diley weerarkaan.

Mareykanka ayaa sheegey in 150 ka tirsan ciidamada Al-Shabaab ku dileen xeradaas kuwasoo xuseen iney isu diyaarinayeen weeraro lagu qaado AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM