Saraakiil katirsan Shabaab oo howlgal gaar ah lagu dilay [Magacyada]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubno sare oo katirsanaa Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal military oo ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose, ee Koonfurta Soomaaliya.

War kasoo baxay taliska Ciidamada xoogga dalka, ayaa lagu sheegay in labo sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Macalin Xuseen iyo Farxaan Daajir oo Amniyat-ka Al-Shabaab, una qaabilsanaa gobolka ay ku dhinteen dagaal ka dhacay duleedka Qoryooley.

Farxaan ayaa la sheegay inuu kasoo dagaalamay dalka Suuriya, xili uu ka barbar dagaalamayay Al-Qaacidda, isagoo dhawaan dib ugu soo laabtay Soomaaliya, oo uu ku biiray Al-Shabaab.

Al-Shabaab wali dhinkeeda wax war ah kama aysan soo bixin sheegashadda Taliska ciidanka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka xooga ayaa guluf dagaal iyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab kawada gobolka, taasoo qeyb ka ah olale la doonayo in Kooxdan looga saaro tuulooyinka ay gobolka ka maamulaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay howlgallo kawadaan degaano dhaw Qoryooley. [Halkan ka akhri warbixin]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM